Suuqle Suuqle
Sharci

Shuruudaha Isticmaalka Madasha Suuqle

Fadlan si taxaddar leh u akhri shuruudahan ka hor inta aadan isticmaalin madashayada. Isticmaalkaagu wuxuu ka dhigan yahay inaad aqbashay heshiiskan.

Waqtiga la cusbooneysiiyay: 12 Jul 2026

1. Doorka Suuqle

Suuqle waa madal casri ah oo isku xirta ganacsatada madax-bannaan iyo macaamiisha. Anagu ma nihin mulkiilayaasha alaabaha lagu iibiyo madasha, mana soo saarno. Doorkayagu waa inaan ku siino suuq online ah oo aamin ah, fududna loo isticmaalo. Ganacsade kasta isaga ayaa mas'uul ka ah tayada, sharaxaadda, iyo gaarsiinta alaabtiisa.


2. Nidaamka Lacag-bixinta

Si ka duwan suuqyada kale, Suuqle waligiis ma qabto, mana xareeyo lacagta macaamiisha. Marka aad dalab sameyso, waxaad lacagta si toos ah ugu diraysaa ganacsadaha adigoo isticmaalaya xawaaladaha maxalliga ah ee la oggol yahay (sida Bank transfer, eBirr, CoopayEbirr, ama Kaafi). Suuqle wuxuu kaliya diiwaangeliyaa dalabkaaga oona xaqiijiyaa in rasiidhka (payment proof) uu gaaray ganacsadaha si uu alaabta kuugu soo diro.


3. Mas'uuliyadda Ganacsadaha

Ganacsatada ku diiwaangashan Suuqle waxaa waajib ku ah inay bixiyaan xog sax ah oo ku saabsan alaabtooda. Waa inaysan iibin alaab been abuur ah ama sharci darro ah. Suuqle wuxuu xaq u leeyahay inuu tirtiro ama xiro dukaan kasta oo ku xad-gudba shuruudahan ama khiyaaneeya macaamiisha.


4. Macluumaadka Koontada

Adiga ayaa mas'uul ka ah ilaalinta sirta koontadaada iyo password-kaaga. Qof kasta oo isticmaala koontadaada adigaa mas'uul ka ah ficilladiisa. Haddii aad dareento in koontadaada si qaldan loo isticmaalay, waa inaad isla markiiba nala soo xiriirtaa.


5. Ilaalinta Macmiilka iyo Xallinta Khilaafaadka

Suuqle wuxuu mudnaanta koowaad siiyaa kalsoonidaada. Maadaama lacagtu ay si toos ah idii dhex-marto adiga iyo dukaanka (oo uusan Suuqle dhexda ka qaban), xallinta ugu dhaqsaha badan waa in aad marka hore si toos ah ula xiriirto dukaanka haddii cilad timaado. Balse marnaba keligaa ma tihid; Rasiidhkii (payment proof) aad nidaamkayaga soo gelisay marka aad wax iibsanaysay ayaa kuu ah caddeyn buuxda oo lagu kalsoon yahay. Haddii dukaanku xallin waayo cabashadaada xaqqa ah, Suuqle ayaa soo dhex-galaya. Dukaan kasta oo lumisa kalsoonida macaamiisha ama diida inuu masuuliyaddiisa qaato, gabi ahaanba madasha ayaan ka saaraynaa.

Su'aalo ma qabtaa shuruudahan ku saabsan? Nala soo xiriir anagoo diyaar u nahay inaan kaa caawino.

support@suuqle.shop